Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dunida Muslimka oo maanta sooman

Malaayiin qof oo ku nool daafaha dunida ayaa maanta u ah maalintii koobaad ee bisha Ramadan, kadib markii dowladda Sacuudiga ay gelinkii dabe ee shalay ku dhawaaqday in Arbacada maanta tahay maalinta koowaad ee soonka.

Toban waddan oo Islaam ah ayaa ku dhawaaqay in la arkay bisha Ramadaan fiidkii Talaadada, taasoo Arbcada ka dhigaysa maalinta ugu dambeysa ee Shacbaan, iyo maalinta ugu horreysa ee soonka bisha Ramadaan sanadka 1447 Hijriga,

Dalalkaas waxaa kamaid ah Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Qadar, Baxrayn, Kuwait iyo Yemen.

Ciraaq iyo Lubnaan ayaa sidoo kale kamid ah.

Dalka Suudaan, Golaha Fiqiga Islaamka ayaa ku dhawaaqay in Arbacada ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ah dalalka maanta laga soomayo.

Dalal kala ayaa ku dhawaaqay in aanan la arkin bisha, sidaa awgeed, waxay ku dhawaaqeen in Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee soonka.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Suuriya, Turkiga, Masar iyo Singapore, Masar, Urdun, Liibiya iyo Algeeriya.

Dalka Indonesia, Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa ku dhawaaqday in Khamiista ay noqon doonto maalinta ugu horreysa ee Ramadaan.

Cumaan, todobaad ka hor ayay ku dhawaaqday in soonku bilaaban doono Khamiista.

Morocco iyo Mauritania ayaa kamid ah dalalka aan shaacin taariikhda laga soomayo dalalkooda.Soom

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles