Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA oo diray qeylo-dhaan culus oo ku aaddan abaarta daran ee ka jirta guud ahaan dalka

Kulanka Agaasimeyaasha iyo u qaybsanayaasha Warbaahinta iyo Xiriirka Hey’adaha iyo Wasaaradaha Xukuumadda Dan-Qaran, oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Warbaahinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

Kulankan oo uu ugu horreyn ka hadlay Agaasimaha Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha ahna Afhayeen Xukuumadda Mudane Cabdinasir Axmed Bashir ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha dalka, iyadoo SoDMA ay soo bandhigtay warbixin dhammaystiran oo ka hadlaysa heerka abaarta, saamaynta ay ku yeelatay bulshada, iyo khataraha sii kordhaya ee cuna-yaraanta.

Waxaa la xaqiijiyay in 44 degmo ay ka jiraan xaalado adag oo la xiriira abaarta, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shir-guddoominayay kulanka, ayaa soo xiray gunaanadka shirka isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo warbaahinta si loo wacyigeliyo bulshada loona dardar-geliyo gurmadka Abaaraha.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles