Kulanka Agaasimeyaasha iyo u qaybsanayaasha Warbaahinta iyo Xiriirka Hey’adaha iyo Wasaaradaha Xukuumadda Dan-Qaran, oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Warbaahinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).
Kulankan oo uu ugu horreyn ka hadlay Agaasimaha Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha ahna Afhayeen Xukuumadda Mudane Cabdinasir Axmed Bashir ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha dalka, iyadoo SoDMA ay soo bandhigtay warbixin dhammaystiran oo ka hadlaysa heerka abaarta, saamaynta ay ku yeelatay bulshada, iyo khataraha sii kordhaya ee cuna-yaraanta.
Waxaa la xaqiijiyay in 44 degmo ay ka jiraan xaalado adag oo la xiriira abaarta, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shir-guddoominayay kulanka, ayaa soo xiray gunaanadka shirka isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo warbaahinta si loo wacyigeliyo bulshada loona dardar-geliyo gurmadka Abaaraha.


