Wasaaradda amniga oo la wareegtay qalab ciidan oo loogu talagalay Ciidanka Haramcad

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusman Cabdullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Yuusuf Cali, iyo mas’uuliyiin kale.

Qalabkan, oo lagu wareejiyey munaasabad ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad, ayaa la sheegay inuu yahay mid casri ah, isla markaana kor u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u-diyaargarowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhameystay tababar sare oo lagu xoojinayey xirfadaha amni iyo la-dagaallanka argagixisada.

Mas’uuliyiintaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in qalabkani uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles