Deni iyo Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh oo maanta ku kulmaya Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa maanta oo Khamiis ah la filayaa in shir siyaasadeed oo muhiim ah uu si rasmi ah uga furmo xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Kulanka oo la qorsheeyay inuu bilowdo 11:00 subaxnimo ayaa lagu furayaa hab-maamuus uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu soo bandhigo qiimeyn guud oo ku saabsan xaaladda dalka iyo jihada geeddi-socodka siyaasadeed.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kulanka la ballaarin doono, iyadoo xubno ka socda bulshada rayidka lagu wado inay ka qeyb galaan si loo helo aragtiyo ka tarjumaya baahiyaha bulshada.

Dhinacyada ayaa  muujiyay diyaar garow tanaasul iyo niyad-sami, si kulankan uu u horseedo isfahan siyaasadeed iyo xal waara.

Kulankan ayaa loo arkaa mid go’aamin kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya bilaha soo socda, iyadoo laga sugayo warmurtiyeed rasmi ah oo caddeynaya qodobada la isku afgartay iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta siyaasadeed iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles