Deni iyo Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh oo maanta ku kulmaya Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa maanta oo Khamiis ah la filayaa in shir siyaasadeed oo muhiim ah uu si rasmi ah uga furmo xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Kulanka oo la qorsheeyay inuu bilowdo 11:00 subaxnimo ayaa lagu furayaa hab-maamuus uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu soo bandhigo qiimeyn guud oo ku saabsan xaaladda dalka iyo jihada geeddi-socodka siyaasadeed.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kulanka la ballaarin doono, iyadoo xubno ka socda bulshada rayidka lagu wado inay ka qeyb galaan si loo helo aragtiyo ka tarjumaya baahiyaha bulshada.

Dhinacyada ayaa  muujiyay diyaar garow tanaasul iyo niyad-sami, si kulankan uu u horseedo isfahan siyaasadeed iyo xal waara.

Kulankan ayaa loo arkaa mid go’aamin kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya bilaha soo socda, iyadoo laga sugayo warmurtiyeed rasmi ah oo caddeynaya qodobada la isku afgartay iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta siyaasadeed iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles