Shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta baaqday

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaqay, mana cadda sababta keentay baaqashada.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii uu shalay si rasmi ah uga furmay aqalka madaxtooyada Soomaaliya mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.

Shirka oo maalinimadii shalay u badnaa gogol xaar iyo jeexidda dhabbayaasha qodobada ugu muhiimsan ee miiska saaran ayaa dib u furmi doona Maalinta beri oo Sabti ah.

Dhinacyada ka qaybgelaya shirka ayaa maanta oo Jimce ah yeelan doona kulamo doceedyo ay kaga hadlayaan xoojinta aragti yadooda ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo waxka-beddelka dastuurka oo ah qodobada ugu waaweyn ee miiska saaran.

Sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa maanta la filayaa inuu la kulmo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana kulanka uu ka dhici doonaa halka ay degan yihiin madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa doonaysa meelmarinta damaceeda ku qaadan qabashada doorashooyin dadweyne xilli muddo xileedka madaxda dowladda iyo barlamaanku gabaabsi yahay, ayna golaha Mustaqbalku riixayaan in dalku doorasho aado.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles