Deni oo ka digay labo khatar oo halis ku ah dalka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey qaar kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimaah doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo qorshaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horrayn sheegay in GMS ay sameeyeen dulqaad xooggan si aysan cududaar ugu samayn qorshaha dowladda, “Golaha Mustaqbalka waxay sameeyeen dulqaad wanaagsan, mana rabno dagaal, waxa keliya noo furan dagaalka argagixisada.”

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa heshiis ugu yeeray MW Xasan Sheekh Maxamuud,“Madaxweyne Xasanow aan heshiinno, wixii aan ku barannay dagaalkii IS ee Puntland in aan dalkaan lagu difaaci karin awood dowlad goboleed oo keliya… aniga & MW Axmed waxa aan u joognaa in aan badbaadinno jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.”

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland qayb ka ahayn waxka-beddelka dastuurka,”Dastuurka halkaan lagu malmaluuqayo wax ka jira ma jirto – madaweyne Xasan Shiikh iyo Aadan Madoobe hadii uu dastuur u noqnayo iyagey jirtaa. -Puntland qayb ka noqon mayso.”

Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri “dalkan labo khatarood xoog bay ugu soo socdaan, in uu kala irdhoobo oo kala tago iyo in dad aan la garanayn qabsadaan”.

Madaxweyne Deni wuxuu khatarta labaad tusaale ugu soo qaatay ajaaniibtii lagu qabtay dagaalka Daacish iyo wixii ay Puntland ku aragtay buuraleyda Calmiskaad.

Wuxuu sheegay in khatar taas ka weyn laga filan karo gobolada Koonfurta Soomaaliya ee gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles