Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo khudbad u jeedinaya Congress-ka, ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyaan waxa uu ka qabtay arrimaha dhaqaalaha iyo socdaalka.

Trump ayaa dhanka kale markale soo hadal qaaday Soomaalida oo uu sheegay inay lacago lunsadeen isagoo ku dhawaaqay, in madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu hoggaamin doono dagaal ka dhan ah wax-is-daba marinta, hadalkaas oo ay si xooggan uga falcelisay xildhibaanadda Kongareeska ee Soomaaliyeed, Ilhan Omar.

Hadallo deelqaaf ah, ayuu Mr Trump si gaar ah ula beegsaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Waxaa uu sheegay in ‘burcad badeed Soomaaliyeed’ ay u soo dhaceen gobolka, oo ay ka dhaceen balaayiin dollar, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Dhanka wax is bada marinta iyo masuq-maasuqa, Minnesota ayuu tusaale u soo qaatay oo uu sheegay in bulshada Soomaalida ay xadeen lacag gaareysa 19 bilyan oo doolar.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota, ahna gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah oo loo doorto Congress-ka, ayaa ku qeylisay Trump iyada oo istaagtay korna ugu qaylisay in Trump uu yahay beenaale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles