Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo khudbad u jeedinaya Congress-ka, ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyaan waxa uu ka qabtay arrimaha dhaqaalaha iyo socdaalka.

Trump ayaa dhanka kale markale soo hadal qaaday Soomaalida oo uu sheegay inay lacago lunsadeen isagoo ku dhawaaqay, in madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu hoggaamin doono dagaal ka dhan ah wax-is-daba marinta, hadalkaas oo ay si xooggan uga falcelisay xildhibaanadda Kongareeska ee Soomaaliyeed, Ilhan Omar.

Hadallo deelqaaf ah, ayuu Mr Trump si gaar ah ula beegsaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Waxaa uu sheegay in ‘burcad badeed Soomaaliyeed’ ay u soo dhaceen gobolka, oo ay ka dhaceen balaayiin dollar, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Dhanka wax is bada marinta iyo masuq-maasuqa, Minnesota ayuu tusaale u soo qaatay oo uu sheegay in bulshada Soomaalida ay xadeen lacag gaareysa 19 bilyan oo doolar.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota, ahna gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah oo loo doorto Congress-ka, ayaa ku qeylisay Trump iyada oo istaagtay korna ugu qaylisay in Trump uu yahay beenaale.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles