Golaha Mustaqbalka iyo Shirka Difaaca Dastuurka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Golaha Mustaqbalka oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabanaya kulan ballaaran oo cinwaankiisu yahay “Difaaca Dastuurka”.

Shirkan ayaa looga soo horjeedaa wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka iyo muddo kororsi ay sameystaan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada.

Shirweynaha oo lagu qabanayo xarunta Hotel Jazeera ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro ilaalinta, hirgelinta iyo dhowrista dastuurka dalka, xilli doodaha siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan.

Waxaa ka qeyb geli doona hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxgarad, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka, kuwaas oo lagu wado inay soo bandhigaan aragtiyo iyo talooyin ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan isbeddelka dastuurka iyo mustaqbalka nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles