Wednesday, April 15, 2026

Golaha Mustaqbalka iyo Shirka Difaaca Dastuurka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Golaha Mustaqbalka oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabanaya kulan ballaaran oo cinwaankiisu yahay “Difaaca Dastuurka”.

Shirkan ayaa looga soo horjeedaa wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka iyo muddo kororsi ay sameystaan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada.

Shirweynaha oo lagu qabanayo xarunta Hotel Jazeera ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro ilaalinta, hirgelinta iyo dhowrista dastuurka dalka, xilli doodaha siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan.

Waxaa ka qeyb geli doona hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxgarad, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka, kuwaas oo lagu wado inay soo bandhigaan aragtiyo iyo talooyin ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan isbeddelka dastuurka iyo mustaqbalka nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles