Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan, waxaana ugu horreyn ergayga uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixin ka siiyey howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taageeridooda dowladda iyo sidoo kale guud ahaan shaqooyinka ay dalka ka haayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn ergayga uga mahadceliyey howlaha uu dalka ka haayo gaar ahaan taageerada xafiiskiisa uu siiyo hay’adaha dowladda, ayaa waxa uu warbixin ka siiyey howlaha Baarlamaanka gaar ahaan arrimaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu sheegay in dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ay meel wanaagsan mareyso islamarkaana ay ku howlanyihiin Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in lasii xoojiyo lana joogteeyo wada shaqeynta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles