Wednesday, July 22, 2026

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah oo ay yeesheen Puntland iyo xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Garowe waxaa qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee Federaalka oo ku sugan magaalada Muqdisho uga qayb galeen habka fogaan aragga.

Shirka wadatashiga ayaa Puntland iyo xildhibaannada Federaalka waxay ka soo saareen mowqifka Puntland ay uga soo horjeeddo wax ka bedelka dastuurka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

“Dowladda Puntland waxay aqoonsantahay Dastuurka KGM ah ee heshiiska lagu yahay ee 2012, wax kasta oo laga bedelo oo aan heshiis lagu aheyna waa waxba kama jiraan, Puntland qeyb kama aha, meel uu ka shaqayn doonana majirto” ayaa lagu yiri bayaanka.

WARARKII KALE

Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa ku baaqay in Midowga...

Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne...

Booliska Itoobiya oo xiray 17 tuhmanayaal ah oo ku eedeysan tahriibinta dadka

Booliska dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay...

Trump oo ku hanjabay inuu weerari doono xarumaha nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah

Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday Iiraan habeenkii 11-aad oo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo DF ku eedeeyay Colaadda Boosaaso

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isku magacaabay...

PSF oo Puntland ku eedeysay in dagaalka ay u adeegsatay Diyaarado Drones ah

Ciidamada PSF ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles