Wednesday, July 22, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Iraan iyo Mareykanka iyo israa’iil

Dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo israa’iil oo siku dhinac ah iyo Iraan ayaa wali socda, waxaa uuna saameyn ku yeeshay guud ahaan gobolka.

Ciidamada Difaaca Israel Defense Forces (IDF) ayaa soo saaray warbixin ku saabsan howlgalladooda, hal toddobaad kadib markii ay bilaabeen weerarro wadajir ah oo ay la fuliyeen United States oo ka dhan ah Iran.

Afhayeenka IDF, Effie Defrin, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay fuliyeen qiyaastii 3,400 weerar isla markaana ay naafeyeen in ka badan 150 nidaam oo difaac oo Iran leedahay.

Dhanka kale Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay in askari toddobaad oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ay ku dhinteen dagaalka dalkaasi la galay Iran.

Tirada Mareykanka uga dhimatay dagaalka ilaa hadda waa 7 askari.

Geeska kale wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa sheegtay inay qabatay oo burburisay gantaal ballistic ah oo lagu tuuray Saldhigga Diyaaradaha Prince Sultan.

Saldhiggan milatari wuxuu ku yaalaa Al Kharj, 101 km koonfur-bari kaga beegan caasimadda Riyadh.

Hore, wasaaraddu waxay ku sheegtay bartaX inay joojisay laba weerar oo drone ah kadib markii ay ka toogteen woqooyi ee magaalada Riyadh.

Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka ayaa dhankeeda sheegtay in nidaamyada difaaca hawada ay burburiyeen 16 gantaal ballistic ah isla markaana joojiyeen 113 diyaaradood oo drone ah Axaddii, kuwaas oo ka yimid Iran.

Bayaan ay wasaaraddu ku daabacday baraha X ayaa lagu sheegay in la ogaaday 17 gantaal ballistic ah, balse 16 ka mid ah la burburiyay, halka hal gantaal uu ku dhacay badda. Sidoo kale waxaa la sheegay in la ogaaday 117 drone, kuwaas oo 113 ka mid ah la qabtay, halka 4 drone ay ku dhaceen dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay...

Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu...

Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku...

Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles