Friday, May 1, 2026

Jaamacadda Carabta oo si adag u cambaareysay weerarrada Iiraan ee dalalka Khaliijka

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka, isagoo ku tilmaamay “qalad istiraatiiji ah oo weyn” isla markaana sheegay in dalalka Carabta ay hal mowqif ka qaateen diidmada ku xadgudubka madaxbannaanidooda.

Isagoo ka hadlayay kulan degdeg ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta, Aboul Gheit ayaa ugu baaqay Tehran inay dib u eegto siyaasaddeeda isla markaana saxdo qaladka istiraatiijiga ah ee ay gashay markii ay weerarrada ku qaaday dalal Carbeed.

Wuxuu sheegay in beegsiga goobaha rayidka iyo xarumaha muhiimka ah ee dalalka Khaliijka uu yahay fal “mas’uuliyad darro ah oo aan wax sabab ah lahayn,” isla markaana uu si cad u jebinayo shuruucda caalamiga ah, khatarna ku yahay amniga qaranka ee dalalka Carabta.

“Dalalka Carabta qayb kama aha dagaalka socda, mana doonayn inuu qarxo,” ayuu yiri Aboul Gheit, isagoo xusay in dalalka Carabta ay hore u shaaciyeen in aan dhulkooda ama hawadooda loo adeegsan karin weerarro militari.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dalal ay ka mid yihiin Cumaan, Masar iyo Qadar ay dadaallo diblomaasiyadeed sameeyeen si gobolka — oo ay ku jirto Iiraan — looga badbaadiyo dhibaatooyinka dagaalka socda.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa muujiyay garab istaag buuxa oo Masar la garab taagan tahay dalalka Khaliijka, iyo sidoo kale Urdun iyo Ciraaq, isagoo si adag u cambaareeyay weerarrada Iiraan iyo wax kasta oo lagu marmarsiiyoonayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr Albusaidi, ayaa sheegay in gobolka uu marayo “heer khatar ah,” taasoo ka dhalatay kororka hawlgallada militari iyo in xoogga la hormariyo halkii wadahadalka laga dooran lahaa. Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed si xal nabadeed loogu helo colaadda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq, Fuad Hussein, ayaa cambaareeyay weerarrada lagu beegsaday meelo kala duwan oo ka tirsan dalkaas, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in Ciraaq lagu jiido colaadda gobolka.

Fuad Hussein ayaa sheegay in Ciraaq ay taageerto wadahadalka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, balse ay sidoo kale cambaareyneyso ballaarinta dagaalka. Wuxuu intaas ku daray in Ciraaq aysan oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado weerarro ka dhan ah dalalka dariska ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka digay khatarta ka dhalan karta carqalad ku timaadda marinka muhiimka ah ee Marinka Hormuz, isagoo sheegay in haddii halkaas ay dhibaato ka dhacdo ay saameyn ku yeelan karto danaha caalamka, oo ay ku jirto kororka qiimaha tamarta, fowdo hubaysan oo ka dhalata gobolka iyo barakac ballaaran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles