Wednesday, April 29, 2026

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha dhexe, iyagoo dagaal kula wareegay deegaankaasi.

Ciidanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay go’doomin ku haayay deegaanka tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen deegaanka Jabad Gudane.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay wasaaradu waxay si weyn u ammaaneysaa guusha weyn ee ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ka gaareen hawlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xawaadley. Ciidamadu waxay si guul leh u xoreeyeen deegaankaasi oo horey ay uga dhuumaalaysnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee Al-Shabaab.

Hawlgalka Xawaadley ayaa qayb ka ah Hawlgalka Badar ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaas oo ujeedkiisu yahay in la burburiyo xarumaha iyo fariisimaha Khawaarijta ee ku yaalla deegaanada ay ka taliyaan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale go’doomiyay deegaanka tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen deegaanka Jabad Gudane, iyagoo dhowr maalmood ka dib xaqiijiyay in deegaanka Xawaadley uu si buuxda uga baxay gacanta Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxay mar kale cadeynayaan in hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta la sii xoojin doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo...

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay...

Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u...

Deni oo shaaciyay in 15-ka May 2026 haddii aan la helin heshiis siyaaasadeed aysan jirin dowlad Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey Magaalada...

Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles