Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ku soo qabtay khamri tiro badan, hub iyo gaadiidkii lagu waday.

Hawlgalka ayaa Inta lagu guda jiray hawlgalka ayaa lagu qabtay laba gaari oo nooca Probox ah, laba eedeysane, laba qori, labo boosh, 16 kartoon iyo 10 dhalo oo khamri ah.

Taliyaha saldhigga Buurtinle Axmed Saandal, Taliyaha Kastamka Botaan Cawl iyo Taliye ku-xigeenka Kastamka Saalax Maxamed ayaa warbaahinta u soo bandhigay khamriga iyo agabka kale ee la qabtay.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale warbixin siiyay maamulka degmada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Axmed Dheereeye iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in eedeysanayaasha iyo agabka la qabtay loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga loo mariyo.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay degmada Buurtinle ay ka socdeen baaritaano iyo hawlgallo lagula dagaallamayo waxyaabaha maanka dooriya iyo dadka hubka sharci darrada ku wata gudaha degmada.

Sidoo kale, hawlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo sugidda ammaanka magaalada Buurtinle, kaddib falal lidi ku ah ammaanka oo mararka qaar ka dhacay degmada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles