Wednesday, April 29, 2026

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Iiraan uu “dhaawac” ka soo gaaray weeraradii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilowgii dagaalka ku qaadeen Iiraan.

Isagoo ka hadlaya dhaawaca Mojtaba Khamenei, Mr. Trump wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inay taasi dhici karto, waxaan u maleynayaa inuu dhaawacmay, laakiin waxay ila tahay inuu si uun u nool yahay”

Tani waa falcelintii ugu horreysay ee Madaxweynaha Mareykanka ka dib markii la daabacay farriinta qoraal ah oo ka socotay hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa The Truth Social ku yiri: “Waxaan si buuxda u burburin doonnaa nidaamka argagixisada ee milatariga Iiraan dhaqaalahooda iyo waxyaabo lamid ah.

Hadalkiisa ayuu sii watay, isagoo dhaleeceynaya warbixinnada New York Times: “Ciidanka badda ee Iiraan way baa’baeen, ciidankooda cirka ma jiraan, gantaalladooda, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo wax kasta oo kale ayaa la burburinayaa, hoggaamiyeyaashoodana way baa’baeen”, ayuu yiri Trump.

Waxaan haysannaa awood aan la barbar dhigi karin, rasaas aan xadidnayn, iyo waqti badan,” ayuu intaa raaciyay.

Madaxweyne Trump wuxuu qraalkiisa sidoo kale ku yiri: “Waxay laaynayeen dad aan waxba galabsan muddo 47 sano ah, haddana aniga, anigoo ah Madaxweynihii 47aad ee Mareykanka, waan dilay. Sharaf weyn ayay ii tahay inaan tan sameeyo”, ayuu yiri.

“Waxaan haynaa qalab badan oo rasaasta lagu toogto iyo kuwa kale. Filo waxa maanta ku dhacaya hoggaamiyeyaasha jira!” ayuu ka digay.

Shalay, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ,ayaa si jees jees ah uga hadlay falalka waddankiisa ee ka dhanka ah Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyo Naim Qassem, hoggaamiyaha Xisbullah: “Haddii ay aniga igu xiran tahay, ma noolaan lahayn ayuu yiri Netanyahu.

Isniintii, Golaha Khubarada ayaa soo bandhigay Mojtaba Khamenei inuu yahay hoggaamiyaha saddexaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Fariintiisa shalay waxay timid iyadoo walaac laga muujinayay xaaladdiisa caafimaad iyo tan, iyadoo Alireza Salarian, safiirka Iiraan ee Qubrus, uu hore ugu sheegay wargeyska Ingiriiska ee The Guardian, inuu dhaawacmay Mojtaba.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles