Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo adag oo dhaliil leh u jeediyay Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool gudaha Mareykanka, isagoo ku tilmaamay dalka Soomaaliya “qaran ka tirsan dunida afaraad.”

Trump ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aan lahayn nidaam dowladeed, boolis iyo kala dambeyn, isla markaana uu ku eedeeyay dadka Soomaaliyeed inay yihiin kuwo khatar ah oo “islaaya.”

Sidoo kale, wuxuu ku andacooday in Soomaalida Mareykanka ku nool ay “xadeen lacag dhan 19 bilyan oo doolar,” inkastoo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo arrintaas taageeraya.

Dhinaca kale, Trump ayaa mar kale ku celceliyay eedeymo hore oo la xiriira Ilhan Omar, isagoo sheegay in ay si sharci darro ah ku soo gashay Mareykanka, isla markaana ay guursatay walaalkeed, iyadoo arrintan horey loo beeniyay oo aan wax caddeyn ah loo hayn.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Trump horey dhowr jeer u weeraray bulshada Soomaaliyeed, isagoo bishii December ee sanadkii tegay ku tilmaamay inaysan waxba ku soo kordhin Mareykanka, isla markaana uusan dooneyn inay sii joogaan dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles