DFS oo cambaareysay weerarada lagu qaaday dalalka Khaliijka

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya maanta oo ay taariikhdu tahay 19 March 2026, ayaa lagu sheegay in Iiraan ay weerarro ku beegsatay kaabayaasha tamarta ee Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa falalkan ku tilmaantay kuwo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah isla markaana halis gelinaya amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Soomaaliya waxay sidoo kale caddeysay inay garab taagan tahay dowladaha iyo shucuubta dalalkaasi, iyadoo taageertay dadaallada lagu ilaalinayo madaxbannaanidooda iyo badbaadada kaabayaasha muhiimka ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay muhiimadda ay leedahay in si deg-deg ah loo yareeyo xiisadda (de-escalation) isla markaana la bilaabo wadahadal diblomaasiyadeed, si loo ilaaliyo amniga marin-biyoodka iyo xasilloonida sahayda tamarta ee caalamka.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay la shaqeynta beesha caalamka iyo dowlad-goboleedyada si loo xoojiyo nabadgelyada loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta ee muhiimka u ah dhaqaalaha adduunka.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles