Xildhibaano ka tirsan BFS ee taageersan Lafta gareen oo eedeyn u jeediyay Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Buurhakaba

Xildhibaano iyo senatarro ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), kana soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdo ka dhacday degmada Buurhakaba, taasoo ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan.

War-saxaafadeed ay soo saareen ilaa 47 xildhibaan oo taageersan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ay jebiyeen amar hore uga soo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo lagu hakiyay duulimaadyada degmada Buurhakaba.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in 19-kii Maarso 2026 ay ciidamada Itoobiya u oggolaadeen diyaarad ay wateen “kooxo ay ku tilmaameen qaswadayaal” inay ka degto Buurhakaba, kuwaasoo ay sheegeen inay hurinayeen qalalaase iyo xasillooni darro ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay si toos ah u wiiqeysay amniga, nabadda iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka hor imaaneyso amaradii maamulka ee hore loo shaaciyay.

Xildhibaanada ayaa intaas ku daray in inkastoo hore loo codsaday in la hakiyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka, haddana ay dhacday in kooxo “amniga lid ku ah” ay si xor ah uga degaan Buurhakaba, halkaasoo ay ka bilaabeen abaabul ciidan.

Ugu dambeyn, xildhibaanada iyo senatarada ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya inay ka fogaato waxa ay ku tilmaameen faragelin iyo taageeridda kooxaha qalalaasaha wada, isla markaana ay ilaaliso dhexdhexaadnimada, si ay door wax ku ool ah uga qaadato nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles