Saturday, May 23, 2026

Qatar oo war ka soo saartay wadahadalada Mareykanka iyo Iran

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegtay in Qadar aysan ka qayb qaadan doonin geeddi-socodka dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan si loo soo afjaro heshiiska nukliyeerka Iiraan.warkan kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar.

Majid Ansari wuxuu sheegay in waxa hadda ay wajahayso Qadar ay tahay in la soo afjaro weerarrada lagu hayo.

Sannadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan ka hor dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhacay sanadkii hore, Qatar waxay ka mid ahayd dhexdhexaadiyeyaasha ugu waaweyn ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Markii la weydiiyay in Qatar ay sii wadi doonto taageerada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ka dib weeraradii lagu qaaday waddamada Carabta ee Khaliijka, Ansari wuxuu yiri, “Haa, waan sii wadi doonnaa, ma kala go’i karno.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Qatar ay wadahadallo kula jirto Mareykanka si ay u sahamiso xal diblomaasiyadeed.

“Dowladda Mareykanka waxay go’aansatay inay dagaalkan bilowdo sababo la xiriira walaaceeda ku aaddan amniga Bariga Dhexe,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in in Qadar ay la shaqeyneyso Mareykanka si loo joojiyo weerarrada “ka dhanka ah dalalkeenna”.

Ilaa hadda, dalalka Masar, Pakistaan, iyo Turkiga ayaa isku dayaya inay farageliyaan arrinta si loo soo afjaro dagaalka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Pakistan ay hoggaamin doonto wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sarsare oo Mareykan ah oo ay ku jiraan ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Trump Steve Witkoff iyo madaxweyne ku xigeenka JD Vance ay la kulmi doonaan wakiillada Iran ee Pakistan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

xubno ka tirsan AS oo gobolka Sh/hoose lagu dilay

Wasaaradda gaashaandhiga XFS ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay...

Maamulka koonfur galbeed oo war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

Maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in fariisimaha ciidamda ay...

Xisbiga JSP oo Liibaan Shuluq u xushay iney ka dhigaan madaxweynaha Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay hoggaaka Galmudug u...

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles