Friday, July 31, 2026

Doon laga leeyahay Iiraan oo lagu weeraray xeebaha Soomaaliya

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya doon laga leeyahay dalka Iran oo la sheegay in lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, taas oo sare u qaadday walaaca la xiriira dib u soo laabashada burcad-badeednimada.

Sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen howlgalka badda ee Midowga Yurub, oo loo yaqaan EUNAVFOR Atalanta, doonidan ayaa la weeraray iyadoo ku sugnayd meel qiyaastii 400 nautical mile u jirta xeebta Mogadishu.

Dhanka kale, Xarunta Amniga Badda ee Badweynta Hindiya ee Maritime Security Centre Indian Ocean ayaa sheegtay in doonida ay gacanta u gashay kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay yihiin burcad-badeed.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in doonida la afduubtay, oo lagu magacaabo ALWASEEMI 786, laga yaabo in loo adeegsado weerarro kale oo lagu beegsado maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha caalamiga ah.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya, sidoo kale lama oga halka saxda ah ee doonta la geeyay iyo waxa ay sidday.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli sanadihii u dambeeyay ay aad u yaraadeen falalkii burcad-badeednimo ee ka dhici jiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo hore khatar weyn ugu ahaa maraakiibta caalamiga ah.

Howlgalka Midowga Yurub ayaa ka digay khatar cusub oo ka jirta badda, isagoo xusay in doonta la afduubtay loo adeegsan karo weerarro kale, taasoo muujinaysa suurtagalnimada in burcad-badeednimadu mar kale dib u soo noolaato.

WARARKII KALE

Soomaaliya iyo Dalalka AUSSOM oo Ku Heshiiyay Kordhinta Taageerada Howlgalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waddamada ciidamada ku leh Hawlgalka...

Fadhiga BFS oo Beri Furmaya iyo caqabado horyaala

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah...

Fanaankii Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka iyo Taariikhdiisa?

Alle ha u naxariistee, fanaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed...

MW Xasan Sheekh iyo Museveni oo arrimo xasaasi ah ka wadahadlay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala...

Soomaaliya oo ku biirtay Isbaheysiga Cusub ee uu hoggaamiyo Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa  ku dhawaaqday inay dhistay “Isbahaysiga Difaaca...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles