Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (DGKS), Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30-ka Maarso 2026.
Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in go’aanka is-casilaadda uu yimid kaddib tixgelin dheer oo uu si qoto dheer uga fiirsaday xaaladda siyaasadeed iyo danaha guud ee shacabka Koonfur Galbeed. Wuxuu tilmaamay in mudadii uu xilka hayay uu dadaal badan geliyay horumarinta amniga, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimo.
Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa u mahadceliyay shacabka Koonfur Galbeed, golayaasha dowlad goboleedka, iyo dhammaan cid kasta oo la soo shaqeysay intii uu xilka hayay, isaga oo sheegay in uu mar walba diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo danta guud ee dalka.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay hay’adaha dastuuriga ah inay si hufan oo waafaqsan sharciga u maareeyaan marxaladda kala guurka ah, si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo sii socoshada howlaha dowladnimo.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha is-casilaadda iyo qorshaha xiga ayaa la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda la shaaciyo.


