DFS oo shaacisay in aan go’aan laga gaarin dalalka kamid noqonaya howlgalka AUSSOM

La-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee amniga qaranka , Xuseen Macallin ayaa sheegay in aysan jirin wax go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray dalalka ka mid noqonaya hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya lee dahay sharciyadda go’aan ka gaarista dalalka kamid noqonaya hawlgalka cusub ee Nabad-ilaalinta ee Soomaaliya ee AUSSOM kaasi oo bilaaban doona dhammaadka sannadkani.

“Dowladda Soomaaliya waxay leedahay sharciyada ay ku go’aamiso dalalka ka qaybgalaya howlgalka AUSSOM… Go’aanka ayaa dhawaan lagu dhawaaqi doonaa, isagoo la waafajinayo mudnaanta qarankeenna— ruuxda baaqa Ankara waa mid xooggan oo weli nool” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles