Iiraan oo war ka soo saartay arrimo ku saabsan wadahadallo kale oo dhexmara iyaga iyo Maraykanka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran Esmail Baghaei ayaa sheegay in is-weydaarsiga farriimaha u dhexeeya Tehran iyo Washington uu “sii socdo”, iyadoo loo marayo dhexdhexaadin Pakistani ah, kaddib markii wada-hadalladii Axaddii fashilmeen.

Baghaei wuxuu sheegay in mowqifka Iran “si cad loo qeexay isla markaana dib loogu celceliyay xiriirradii xigay.”

Wuxuu intaas ku daray in Iran “ay aad ugu dhowdahay” inay Iiraan maanta martigeliso wafdi ka socda Pakistan, taasoo qayb ka ah sii wadista wada-hadalladii hore uga dhacay Islamabad, kuwaas oo ay ku jiri doonaan “doodo faahfaahsan oo ku saabsan mowqifyada” Iran iyo Maraykanka.

Baghaei wuxuu diiday sheegashooyinka Maraykanka ee ku saabsan in Iran ay raadinayso hub nukliyeer ah, wuxuuna ku adkaystay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu yahay “mid nabadeed.”

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Iran “ay tahay inay sii waddo kobcinta iyadoo ku saleynaysa baahideeda,” balse “ay jirto suurtagalnimo wadahadal oo ku saabsan nooca iyo heerka kobcinta.”

Wareeggii saddexaad ee wada-xaajoodyada nukliyeerka ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran oo muddo dheer muran ka taagnaa ayaa dhex maray Iran iyo Maraykanka 26-kii Febraayo, laba maalmood ka hor intii uusan dagaalku bilaaban.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles