Ciidamada Badda Soomaaliya iyo Turkiga oo dhoolatus wadajir ah ka sameeyay Badda Soomaaliya

Ciidamada Badda ee Soomaaliya iyo kuwa dalka Turkiga ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus milatari oo ka dhacay Badda Soomaaliya, kaas oo muujinaya xoojinta iskaashiga amni ee labada dal.

Sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, dhoolatuskan ayaa lagu adeegsaday maraakiib dagaal oo ay ka mid yihiin Korkut, Altan iyo Sancar, kuwaas oo qeyb ka ah awoodda badda ee Turkiga.

Ujeeddada dhoolatuskan ayaa lagu sheegay kor u qaadista xirfadaha ciidanka, is-dhexgalka howlgalada badda, iyo xoojinta wada shaqeynta dhinaca amniga badda, gaar ahaan la dagaallanka khataraha ka jira xeebaha Soomaaliya.

Dhoolatuskan ayaa sidoo kale imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiriirka milatari iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo Turkiga uu ka mid yahay dalalka sida weyn u taageera dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles