Friday, July 10, 2026

Wararkii ugu dambeyay Shirkii ee madaxda Dowladda Dhexe iyo madaxda mucaaradka

Kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah ayaa maanta ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Salaax Jaamac oo dhinac ah, madaxweynaha Puntland Siciid C/llahi Deni , iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen safiirrada dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo door dhexdhexaadin ah ka qaatay wadahadallada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo cabashooyinka ku saabsan xorriyadda hadalka.

Mucaaradka ayaa kulanka ku soo bandhigay walaac xooggan oo ay ka qabaan dadka loo xirayo aragtidooda siyaasadeed iyo dhallinyarada dowladda dhaliisha, iyagoo ku tilmaamay arrintaasi mid ka hor imaanaysa xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in safiirrada reer galbeedka ay muujiyeen taageero ku aaddan in la ilaaliyo xorriyadaha siyaasadeed iyo tan hadalka.

Sidoo kale, dhinacyadu waxay si adag isku mari waayeen nooca doorasho ee dalka lagu geli doono. Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodeen in loo baahan yahay hannaan doorasho oo lagu heshiiyo si looga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo xasillooni darro.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu soo jeediyay in la magacaabo guddi farsamo oo sii ambaqaada wada-hadallada, balse wakiillada mucaaradka ayaa ka horyimid soo jeedintaasi, iyagoo ku tilmaamay “xeelad waqti lagu luminayo” maadaama aan weli heshiis laga gaarin qodobka ugu weyn ee la isku hayo oo ah hannaanka doorashada.

Kulanka ayaa ugu dambeyn ku soo dhammaaday is-afgarad la’aan, hase yeeshee dhinacyadu waxay isku raaceen in dib la isugu soo laabto wadahadallada kadib marka ay la tashiyo la soo sameeyaan dhinacyada ay matalayaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarriga ka jaray Taliska Guutada 77 ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ka digay khatarta roobabka El Niño, ansixiyeyna heshiisyo caalami ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii...

Midowga Afrika oo ku baaqay in la xoojiyo taageerada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mudane Mahmoud Ali Youssouf,...

FBI-da oo liiska dadka musuqmaasuqa loogu doonista badan yahay ku dartay Fahad Mohamed Nur

Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa liiska dadka loogu...

Hindiya oo dib u celisay afar kalluumeysato oo ku xannibnaa Soomaaliya

 Afar kalluumeysato oo u dhashay gobolka Tamil Nadu ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles