DFS oo la safatay Sacuudiga, kana hadashay weerarkii lagu qaaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay isku day lagu weeraray Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii diyaarado drones ah lagu soo weeraray hawada dalkaas, kuwaasi oo sida la sheegay la qabtay lana soo riday markii ay galeen hawada Sacuudiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu daabacay magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka May 2026, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay weerarkaasi u aragto xadgudub halis ah oo ka dhan ah madaxbannaanida Sacuudiga iyo khatar ku wajahan amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale xaqiijisay garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay taageersan tahay dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo badqabka dhulka Sacuudiga.

Sidoo kale, qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in weerarada lagu bartilmaameedsado amniga dalalka iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay wiiqayaan xasilloonida guud ee gobolka, islamarkaana ay sii kordhin karaan xiisadaha ka jira mandiqadda oo durba wajahaysa xaalado nugul.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh xiisadaha gobolka inay muujiyaan is-xakameyn, ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, isla markaana dib loo xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Bayaankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha Bariga Dhexe iyo weerarada la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu beegsanayo dalalka gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles