Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray wasaaradda gaashaandhigga

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jamaac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashandhigga si uu u dhiirrigeliyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka, loona taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa waxaa soo dhaweeyey Wasiirka Gaashandhigga mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha sare ee wasaaradda, isagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda, oo ka warbixiyay horumarka laga sameeyey tababarka iyo qalabeynta ciidamada, iyo sidoo kale caqabadaha ku hor gudban dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo ka hortagga khataraha argagixisada.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waa tiir muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya oo nabad iyo horumar leh. Ciidamada qalabka sida waa halyeeyo u taagan difaaca sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri mudane Saalax Jaamac.

Intaa kadib, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, halkaas oo uu la kulmay shaqaalaha iyo xubno ka tirsan ciidamada qalabka sida, una muujiyay taageero iyo dhiirigelin.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka ee ku aaddan xoojinta xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo hubinta in howlaha qaranka lagu wado si hufan oo waxtar leh, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha dowladnimada iyo sugidda amniga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles