Shirka Golaha wasiirada KGS oo looga hadlay arrimaha amniga

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koofur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, dardargelinta adeegyada bulshada, arimaha bini’addanimada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha amniga, gargaarka, xanaanada xoolaha iyo arimaha gudaha iyagoo ka wada hadlay qorshayaasha horumarineed ee socda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada loo fidiyo bulshada reer Koonfur Galbeed.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku boorriyey xubnaha Golaha Wasiirrada inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo adeegyada bulshada, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan adeeg hufan oo tayo leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles