Friday, May 22, 2026

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Ankara Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Dowladda Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu.

Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo lataliyeyaal ka socday labada wasaaradood. Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka, guriyeynta casriga ah, qorsheynta magaalooyinka iyo hubinta tayada dhismayaasha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu, ayaa ugu horeyn si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya, isaga oo muujiyay sida Dowladda Turkigu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.

Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha Guud XFS, Mudane Ayub Yusuf Ismaaciil, ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay khibradda iyo aqoonta horumarsan ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada injineernimada iyo maamulka mashaariicda waaweyn. Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya ay doonayso in injineerada iyo shaqaalaha wasaaradda laga faa’iideeyo tababarrada iyo aqoonta ay leeyihiin khubarada Turkiga, si ay door muuqda uga qaataan dib-u-dhiska dalka.

Kulanka kadib, Wasiir Ayub Yusuf Ismaaciil ayaa booqashooyin kala duwan ku tegay xarumo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, waxaana si rasmi ah u qaabilay Agaasimaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Turkiga oo warbixin ka siiyay howlaha ay hay’addu qabato iyo mashaariicda waaweyn ee ay gacanta ku heyso.

Wasiirka Ayub Ismail Yusuf ayaa kormeer ku sameeyay waddooyin lagu hirgeliyay nidaamka PPP, kaas oo ay shirkado gaar loo leeyahay ku maalgelinayaan dhismaha waddooyinka, halka khidmadaha isticmaalka waddooyinka lagu qaado nidaam casri ah oo electronic ah. sidoo kale Wasiirka ayaa Wasiirka xarunta dayactirka gaadiidka ee wasaaradda, halkaas oo lagu siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan hababka casriga ah ee loo maamulo iyo dayactirka gaadiidka dowladda.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya horumarinta wada shaqeynta labada wasaaradood iyo dardargelinta mashaariicda iskaashiga ah ee mustaqbalka.

WARARKII KALE

Maamulka koonfur galbeed oo war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

Maamulka koonfur galbeed ayaa sheegay in fariisimaha ciidamda ay...

Xisbiga JSP oo Liibaan Shuluq u xushay iney ka dhigaan madaxweynaha Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay hoggaaka Galmudug u...

Safiirka Soomaaliya Oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo U Gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Mauritaaniya

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Ahmed Hassan (Yusuf...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta?

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Shirka Golaha wasiirada KGS oo looga hadlay arrimaha amniga

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koofur Galbeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles