Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii tareenka ee Pakistan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar argagixiso oo lagu qaaday tareen rakaab siday oo ku sugnaa magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee dalka Pakistan, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka xun tahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka, gaar ahaan dhimashada haween, carruur iyo dad kale oo aan waxba galabsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Pakistan, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay si buuxda ula garab taagan tahay Pakistan xilligan adag, isla markaana ay si adag uga soo horjeeddo dhammaan falalka argagixisada iyo weerarrada lagu beegsado shacabka rayidka ah.

Labada dal ayaa marar badan iska kaashadeen arrimaha amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles