Monday, September 1, 2025

Israa’iil oo beenisay eedeynta QM ee ah inay waxyeello ba’an gaarsiisay isbitaallada Qasa

Israa’iil ayaa beenisay warbixin ka soo baxday Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo sheegaysa in weerarrada Israa’iil ee isbitaallada iyo agagaarkooda ay nidaamka caafimaadka ee Gaza ku riixeen “inuu ku dhawaado burbur isla markaana ay keentay walaac weyn oo ku saabsan dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Bayaan ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in warbixintu ay siyaasadaysan tahay, iyadoo lagu eedeeyay Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay inuu xiiso u qabo dhaleeceynta Israa’iil.

Warbixinta QM waxay baartay muddadii u dhaxaysay bilowgii colaadda iyo bishii June ee sannadkan, iyadoo si qoto dheer u sharraxday qaabka ay Israa’iil u weerartay, go’doomisay qasabna dadka uga saartay isbitaallada, taasoo horseedday dilka ama dhimashada bukaannada.

Daraasadda ayaa sheegtay in eedeymaha Israa’iil ee ah in isbitaallada ay si khaldan u adeegsadaan kooxda Xamaas ay yihiin eedeymo aan wax caddayn ah loo heyn.

Hore, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa wuxuu sheegay in isbitaallada Qasa ay noqdeen “dabin geeri ama dhimasho”.

Wasaaradda caafimaadka Qasana, waxay hore uga digtay in carruurta dhalaanka ah ay u dhimanayaan xaalad la yiraahdo Hypo-thermiaoo ah qabow daran, gaar ahaan kuwa ku dhasha xeryaha qaxootiga oo ay ku noolyihiin boqolaal kun oo barakacayaal falastiiniyiin ah.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ee BFS oo Furay Kulanka Banbaxa Ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Saraakiil ka socda Masar oo yimid Muqdisho

Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka...

Maxkamada ciidamada oo saaka dil toogasho ku fulisay rag ka tirsanaa Al-shabaab

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka markale dil toogasho...

Fanaanka Safwaan Halac oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Fanaanka caanka ah ee...

Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka iyo eed ay u jeediyeen MW Xasan Sheekh

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay...

Dhul gariir ka dhacay Afgaanistaan

Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 6.0 ayaa ku dhuftay bariga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles