Israa’iil oo beenisay eedeynta QM ee ah inay waxyeello ba’an gaarsiisay isbitaallada Qasa

Israa’iil ayaa beenisay warbixin ka soo baxday Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo sheegaysa in weerarrada Israa’iil ee isbitaallada iyo agagaarkooda ay nidaamka caafimaadka ee Gaza ku riixeen “inuu ku dhawaado burbur isla markaana ay keentay walaac weyn oo ku saabsan dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Bayaan ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in warbixintu ay siyaasadaysan tahay, iyadoo lagu eedeeyay Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay inuu xiiso u qabo dhaleeceynta Israa’iil.

Warbixinta QM waxay baartay muddadii u dhaxaysay bilowgii colaadda iyo bishii June ee sannadkan, iyadoo si qoto dheer u sharraxday qaabka ay Israa’iil u weerartay, go’doomisay qasabna dadka uga saartay isbitaallada, taasoo horseedday dilka ama dhimashada bukaannada.

Daraasadda ayaa sheegtay in eedeymaha Israa’iil ee ah in isbitaallada ay si khaldan u adeegsadaan kooxda Xamaas ay yihiin eedeymo aan wax caddayn ah loo heyn.

Hore, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa wuxuu sheegay in isbitaallada Qasa ay noqdeen “dabin geeri ama dhimasho”.

Wasaaradda caafimaadka Qasana, waxay hore uga digtay in carruurta dhalaanka ah ay u dhimanayaan xaalad la yiraahdo Hypo-thermiaoo ah qabow daran, gaar ahaan kuwa ku dhasha xeryaha qaxootiga oo ay ku noolyihiin boqolaal kun oo barakacayaal falastiiniyiin ah.

WARARKII KALE

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

Maxay ka wadahadleen wasiirka arrimaha dibadda iyo Xoghayaha Guud ee OIC?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Shaki weyn oo ka dhashay sababta Xisbiga Towfiiq looga reebay doorashada ku-celiska ah ee Galmudug

Shaki iyo su’aalo siyaasadeed ayaa ka dhashay go’aanka Guddiga...

Ruushka oo ku dhawaaqay inuu soo riday in ka badan saddex boqol oo diyaaradood

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada difaaca cirka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles