Tuesday, April 21, 2026

FBI-da oo 150 bam ka heshay guri ku yaalla Virginia

FBI-da ayaa in ka badan 150 bam oo guri ku sameys ah ka heshay beer ku taal Virginia, taasi oo loo malaynayo inay tahay qabashadii ugu waynayd taariikhda oo ay hay’addu sameyso, sida ku cad dukumentiyo maxkamadeed oo la diiwaan-geliyey toddobaadkan.

Wakiilada ayaa helay walxaha qarxa xilli ay baarayeen guriga qoyska Brad Spafford oo 36 jir ah ee duleedka magaalada Norfolk, ka dib markii deriska ay ku wargaliyeen in uu kaydinayey qoryo iyo rasaas.

Dukumenti maxkamadeed oo la gudbiyay Isniintii ayaa lagu sheegay in Spafford, oo ka shaqeeya dukaan mashiinada, uu u adeegsaday sawirrada madaxweyne Joe Biden tababar bartilmaameed toogasho, uuna taageero u muujiyay dilalka siyaasadeed.

Qaar ka mid ah walxaha qarxa oo lagu qiimeeyay in ay yihiin bambooyinka tuubooyinka ayaa laga helay boorsada dhabarka oo taallay qolka jiifka ee guriga, kaas oo Spafford uu la wadaago xaaskiisa iyo laba caruur ah oo yaryar, ayaa lagu sheegay dukumentiga.

Waxay intaa ku dartay in firiijka Spafford ay ku jirtay maadada HMTD – ee loo adeegsado qaraxyada, laguna qoray “Ha taaban.”

Gurigiisa ayaa sidoo kale laga helay buug xusuus qor ah oo ay ku qoran yihiin sida loo sameeyo waxyaabaha qarxa oo ay ku jiraan bam-gacmeedyo, sida ku cad dokumentiga.

Qof deris ah ayaa FBI-da u sheegay in Spafford uu u sheegay inuu qorsheynayey in gurigiisa uu isbeddel ku sameeyo, uuna saqafka kore ka sameeyo meel la suro qoryaha qaada 50-ka rasaas.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Spafford, oo lagu soo oogay in uu si sharci darro ah u haystay hub, ay u badan tahay in uu wajihi doono eedeymo dheeraad ah oo la xiriira walxaha qarxa, kuwaas oo midkiiba uu ku muteysan karo ugu badnaan toban sano oo xarig ah.

Qareenada Spafford ayaa qoraal ay maxkmadda u gudbiyeen ku difaacay in uu yahay “nin qoys oo dadaal badan oo aan laheyn wax diiwaan dambi ah,” iyagoo ku doodaya in xabsiga laga sii daayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sheekh Shariif oo caawa kulan xasaasi ah la leh xildhibaano ka tirsan BFS

Mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Shariif...

Booliska G/Baay oo mamnuucay in hub lagu wato Baydhabo

Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles