Dowladda Soomaaliya oo digniin culus dirtay

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaanno Macallin Mahdi ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay dhacdadii shalay galab ee magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale soo bandhigay hub kala duwan oo uu sheegay in laga qaaday ilaalada qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

“Runtii waa ayaan darro anaggo diigniinno kala duwan gaarsiinnay dad badan shacabka Soomaaliyeedna gaarsiinnay in caaismaddan iyo dalkan iyo dadkanba aysan u baahneyn qalqalgelin amni, iyo qori iyo xabbad iyo bannaanbax rabshad wata oo ujeeddadiisu tahay in caasimaddan lagu suurad xumeeyo.” Ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay in dhacdadaas ahayd mid qalqalgelin ah oo loo adeegsaday hub waaweyn.

Wuxuu intaa ku daray “in hay‘adaha ammaanka ay la wareegeen ciidamadii dagaallamayay iyo hub”. Isagoo diray digniin ah in dhacdooyinkaas oo kale aan la aqbali Karin.

“Marnaba shalay maanta ma aha ee ka jooga oo digniinteenna qaata. Qoryihiinna soo dhiiba, dadka idiin dhiibay qoryahana kasoo taga oo shacabkiinna u tura. Marka gacanta la idinku soo dhigo cafis ma jiro.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles