Saturday, December 27, 2025

Duqa Muqdisho oo kulan isugu yeeray Saraakiisha ammaanka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan gaar ah maanta la qaatay hoggaanka Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo la xiriiray islaxisaabtan shaqo iyo dardaaran ku aadan fulinta howlaha loo igmaday, waxaana goob joog ka ahaa kulankan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha guud ee xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur.

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar Janaraal Maxamed Carabow Cali ayaa ugu horeyn warbixin kooban ka bixiyay qaabka uu u howlgalo Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, qeybaha uu ka kooban yahay, isbedelka dhinaca tayada ciidanka iyo caqabadaha heysta ee u baahan in laga gudbo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray saraakiisha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka in ay dardargaliyaan ilaalinta nadaafada, bilicda Caasimadda, kor u qaadista dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada magaalada.

WARARKII KALE

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero buuxda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles