Saturday, June 6, 2026

Mucaaradka oo si adag uga hadashay weerar lagu qaado guriga Gen. Odawaa

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay kasoo saartay magaalada Muqdisho ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay dhacdo ay ku tilmaantay weerar qorsheysan oo lagu qaaday hoyga Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Madasha ayaa sheegtay in ciidamo gaar ah oo Milateri ah, kuwaas oo uu hoggaaminayay Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere), ay weerarka fuliyeen, iyagoo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ka amar qaadanayay saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.

Sidoo kale, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku eedeysay madaxda dowladda inay qorsheynayaan tallaabooyin lagu bartilmaameedsanayo siyaasiyiin mucaarad ah, iyadoo arrintaasi lagu tilmaamay mid sii hurin karta xiisadda siyaasadeed iyo xaaladda amni ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in falalkan ay kusoo aadayaan xilli uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda, taas oo sida ay madashu sheegtay abuurtay kala shaki iyo muran siyaasadeed oo sii kordhaya.

Madasha ayaa ugu baaqday ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan waajibaadkooda dastuuriga ah kana fogaadaan falal siyaasadaysan oo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhanka kale, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda taagan, iyagoo ka digay cawaaqib ka dhalan kara tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo halis ku ah nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hay’adaha amniga gobolka Banaandir oo soo bandhigay hub si sharcidaro ah lagu soo geliyay Muqdisho

Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa degmada Cabdicasiis...

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xoojisay diyaargarowga iyo ka hortagga Ebola

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa xoojinaysa diyaargarowga iyo kormeerka...

Wasiirkii hore ee Amniga oo war ka soo saaray weerarka lagu qaaday Hotelkiisa Elite ee Muqdisho

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa...

Ciidamada dowladda oo xoog ku galay Hotel Elite

Ciidamada dowladda ee weli ku sugan degmada Cabdicasiis oo...

Dagaal Beeleed ka Socda Duleedka Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles