Wasiirkii hore ee Amniga oo war ka soo saaray weerarka lagu qaaday Hotelkiisa Elite ee Muqdisho

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta xoog ku galeen Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, isagoo ku eedeeyay dowladda inay qorsheyneyso burburin iyo boob lagu sameeyo hotelka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamada galay hotelka ay wateen “hub culus, miinooyin iyo walxo lagu dumiyo dhismayaasha”, isla markaana ay gudaha hotelka isugu geeyeen shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneyd.

Wuxuu sheegay in tallaabadaasi aysan ahayn baaritaan amni balse ay tahay qorshe lagu burburinayo laguna boobayo hantida hotelka, kadibna lagu sawirayo hub gudaha la geliyay si loogu marmarsiyoodo howlgalka.

“Ciidamadaas waxaa soo diray Xasan Sheekh Maxamuud, isaga ayaana qaadaya masuuliyadda wixii loo geysto goobtaas ganacsi,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles