Mucaaradka oo si adag uga hadashay weerar lagu qaado guriga Gen. Odawaa

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay kasoo saartay magaalada Muqdisho ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay dhacdo ay ku tilmaantay weerar qorsheysan oo lagu qaaday hoyga Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Madasha ayaa sheegtay in ciidamo gaar ah oo Milateri ah, kuwaas oo uu hoggaaminayay Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere), ay weerarka fuliyeen, iyagoo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ka amar qaadanayay saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.

Sidoo kale, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku eedeysay madaxda dowladda inay qorsheynayaan tallaabooyin lagu bartilmaameedsanayo siyaasiyiin mucaarad ah, iyadoo arrintaasi lagu tilmaamay mid sii hurin karta xiisadda siyaasadeed iyo xaaladda amni ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in falalkan ay kusoo aadayaan xilli uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda, taas oo sida ay madashu sheegtay abuurtay kala shaki iyo muran siyaasadeed oo sii kordhaya.

Madasha ayaa ugu baaqday ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan waajibaadkooda dastuuriga ah kana fogaadaan falal siyaasadaysan oo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhanka kale, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda taagan, iyagoo ka digay cawaaqib ka dhalan kara tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo halis ku ah nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles