Ciidamo Macawiisleyda oo gaaray Cadale iyo iska horimaad ka dhacay Duleedka Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo xalay ka baxay deegaanka Gubadley ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo warramayaa inay si nabad ah ku gaareen degmada ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, ciidamadaasi ayaa dhaqaaqay kadib markii ay heleen xog la xiriirta ciidamo ka baxay magaalada oo la sheegay inay kusoo wajahnaayeen deegaanka ay joogeen, taasoo sababtay inay u ruqaansadaan dhinaca Cadalle.

Wararka ayaa intaa ku daraya in intii ay safarka ku jireen ay la kulmeen dhowr isbaaro iyo baro-koontarool, halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay iska horimaad kooban.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada Macawiisleyda ay ka gudbeen goobahaasi kadib dagaal kooban, iyagoo sii watay socdaalkooda kuna guuleystay inay gaaraan degmada Cadalle.

Dhanka kale, waxaa la sheegay in ciidamadii daba socday ay dib ugu laabteen Muqdisho kadib markii ay ku guuldareysteen inay gaaraan ama la kulmaan ciidamada Macawiisleyda intii ay jidka ku jireen.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo sii kordhaya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles