Ciidamo Macawiisleyda oo gaaray Cadale iyo iska horimaad ka dhacay Duleedka Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo xalay ka baxay deegaanka Gubadley ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo warramayaa inay si nabad ah ku gaareen degmada ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, ciidamadaasi ayaa dhaqaaqay kadib markii ay heleen xog la xiriirta ciidamo ka baxay magaalada oo la sheegay inay kusoo wajahnaayeen deegaanka ay joogeen, taasoo sababtay inay u ruqaansadaan dhinaca Cadalle.

Wararka ayaa intaa ku daraya in intii ay safarka ku jireen ay la kulmeen dhowr isbaaro iyo baro-koontarool, halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay iska horimaad kooban.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada Macawiisleyda ay ka gudbeen goobahaasi kadib dagaal kooban, iyagoo sii watay socdaalkooda kuna guuleystay inay gaaraan degmada Cadalle.

Dhanka kale, waxaa la sheegay in ciidamadii daba socday ay dib ugu laabteen Muqdisho kadib markii ay ku guuldareysteen inay gaaraan ama la kulmaan ciidamada Macawiisleyda intii ay jidka ku jireen.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo sii kordhaya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles