Dowladda iyo mucaaradka oo xaalad cusub geliyay Muqdisho

Magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay ku jirto xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo aan degganayn, iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo tallaabooyinka dowladda federaalka iyo xiisadda kala dhexeysa mucaaridka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u muuqato inay ka baxayso qaar kamid ah ballamihii ay hore ula gashay mucaaridka iyo xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaasi oo la xiriiray dejinta xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, waxaa jira cabsi ku saabsan go’aanno amni oo saameyn kara mas’uuliyiin hore, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad si gaar ah u haystay ilaalo ciidan, iyadoo la sheegay in digniino la xiriira baaritaanno iyo tallaabooyin amni ay soo baxayeen saacadihii la soo dhaafay.

Walaaca shacabka iyo ganacsatada ayaa sii kordhay kadib markii maamulka Elite Hotel uu shaaciyay in dowladda ay maanta la wareegtay hoteelkaasi.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaridka ah ee kasoo jeeda Muqdisho ayaa wada kulamo xiriir ah oo ku saabsan xaaladda taagan, waxaana la sheegay inay ka arrinsanayaan qaabkii ay uga hortegi lahaayeen waxa ay ku tilmaameen cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo dadka ku dhow mucaaradka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirar ay beesha caalamku qorsheynaysay inay isugu keento dowladda iyo mucaaridka si looga wada hadlo xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha doorashada aysan weli caddayn waqtiga ay qabsoomi doonaan, iyadoo la tilmaamayo in madaxtooyadu qaaday waddo siyaasadeed oo ka duwan tii hore.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles