Dowladda Federaalka oo kordhinaysa saameynteeda Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii waddo ballaarinta saameynteeda gudaha maamulka Puntland, iyadoo la sheegay inay qaaday tallaabooyin cusub oo la xiriira dhinacyada amniga iyo ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay askar cusub ka qoratay degmada Jariiban ee gobolka Mudug, kuwaasi oo la tababaray isla markaana hub la siiyay.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay saameyn ku leedahay qaybo kamid ah ciidamada Puntland, iyadoo qaar kamid ah ciidamadaasi mushaharkooda laga bixiyo Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu warramay inuusan ku qanacsanayn dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka, arrintaas oo lala xiriirinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Villa Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in xiriirka dhaw ee Puntland la leedahay uu qayb ka yahay walaaca jira, maadaama Imaaraadka lagu tilmaamay inuu kasoo horjeedo siyaasadaha dowladda federaalka ee hadda jirta.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta dib u dhiska qeybaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah qeybta 43-aad ee Jubbaland, qeybta 60-aad ee Koonfur Galbeed, qeybta 27-aad ee Hirshabelle, qeybta 21-aad ee Galmudug, qeybta 54-aad ee Puntland iyo qeybta 56-aad ee Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles