Dowladda iyo mucaaradka oo xaalad cusub geliyay Muqdisho

Magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay ku jirto xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo aan degganayn, iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo tallaabooyinka dowladda federaalka iyo xiisadda kala dhexeysa mucaaridka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u muuqato inay ka baxayso qaar kamid ah ballamihii ay hore ula gashay mucaaridka iyo xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaasi oo la xiriiray dejinta xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, waxaa jira cabsi ku saabsan go’aanno amni oo saameyn kara mas’uuliyiin hore, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad si gaar ah u haystay ilaalo ciidan, iyadoo la sheegay in digniino la xiriira baaritaanno iyo tallaabooyin amni ay soo baxayeen saacadihii la soo dhaafay.

Walaaca shacabka iyo ganacsatada ayaa sii kordhay kadib markii maamulka Elite Hotel uu shaaciyay in dowladda ay maanta la wareegtay hoteelkaasi.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaridka ah ee kasoo jeeda Muqdisho ayaa wada kulamo xiriir ah oo ku saabsan xaaladda taagan, waxaana la sheegay inay ka arrinsanayaan qaabkii ay uga hortegi lahaayeen waxa ay ku tilmaameen cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo dadka ku dhow mucaaradka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirar ay beesha caalamku qorsheynaysay inay isugu keento dowladda iyo mucaaridka si looga wada hadlo xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha doorashada aysan weli caddayn waqtiga ay qabsoomi doonaan, iyadoo la tilmaamayo in madaxtooyadu qaaday waddo siyaasadeed oo ka duwan tii hore.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles