MW Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Danjire Salaad Cali Jeelle

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha.

Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer mas’uuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ku ammaanay khibraddiisa, dadaalkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay u adeegidda dalka, isaga oo muujiyey kalsoonida uu ku qabo in uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday.

Madaxweynaha  ayaa Alle uga baryey Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles