MW Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Danjire Salaad Cali Jeelle

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha.

Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer mas’uuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ku ammaanay khibraddiisa, dadaalkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay u adeegidda dalka, isaga oo muujiyey kalsoonida uu ku qabo in uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday.

Madaxweynaha  ayaa Alle uga baryey Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles