DF oo ka hortimid warbixintii Qaramada Midoobey ee khasaaraha ka dhashay dagaalkii Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay khasaaraha ka dhashay dagaalladii iyo iska horimaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho 3-dii iyo 4-tii Juun 2026, kuwaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo la sheegay inay taageersan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada ay tahay hal qof oo keliya, halka dhaawacyadana lagu sheegay 55 ruux.

“Xogta rasmiga ah ee laga helay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ayaa muujineysa in dhimashadu tahay 1 qof, halka dhaawacyadu gaarayaan 55 qof,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda ayaa sidoo kale beenisay warbixin ay hore usoo saartay Qaramada Midoobey, taas oo lagu sheegay in rabshadahaasi ay sababeen dhimashada 13 qof, dhaawaca 189 kale iyo barakaca ku dhowaad 12 kun oo qoys.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay ururinta iyo xaqiijinta xog sax ah oo la xiriirta xaaladaha degdegga ah, iyadoo warbaahinta iyo hay’adaha kala duwan ugu baaqday inay muujiyaan taxaddar marka ay faafinayaan xogaha la xiriira khasaaraha iyo xaaladaha amniga.

Warbixinta dowladda ayaa kusoo aadeysa xilli ay wali taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka dowladda iyo mucaaradka, iyadoo labada dhinac ay si kala duwan uga hadlayaan khasaaraha iyo mas’uuliyadda dagaalladii ka dhacay Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles