Sunday, July 26, 2026

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka ayaa noqon doona furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Jerusalem, taas oo noqon karta safaaraddii ugu horreysay ee Somaliland ka furato dal shisheeye.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Israel ayaa si weyn u xoogaystay kadib markii Israa’iil bishii Diseembar 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Tan iyo xilligaas, labada dhinac ayaa is dhaafsaday safiirro, iyadoo la sheegay in iskaashigooda uu diiradda saarayo dhinacyada amniga, ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo danaha istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, ururro iyo dalal ka tirsan dunida Carabta iyo Afrika ayaa walaac ka muujiyay aqoonsiga Somaliland.

Ilaa hadda, xukuumadda Somaliland si rasmi ah ugama hadlin wararka sheegaya safarka Madaxweyne Cirro iyo qorshaha furitaanka safaaradda Qudus.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo soo bandhigtey waxqabadkeeda muddo 4 sano ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles