Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer sare ah, kuwaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo dowladda Turkiga ay si rasmi ah u waddo dhexdhexaadinta.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Turkiga ayaa bilaabay kulamo xiriir ah oo ay la leeyihiin labada dhinac, iyadoo diiradda lagu saarayo xal u helidda khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Wadahadallada ayaa ka dhacaya hotel ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana la sheegay Dhanka mucaaradka kulankan ay metelayaan saddex xubnood oo sare oo loo xilsaaray wada hadalka.

Dhanka kale, Turkiga ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya isku xirka iyo gudbinta fariimaha labada dhinac.

Taliye ku xigeenka Sirdoonka Turkiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda DFS iyo xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka, iyagoo u kala dab qaadaya labada dhinac.

Wadahadallada Turkiga ayaa loo arkaa kuwa ugu culus ee haatan socda, waxaana natiijadooda si weyn u saameyn doonta jihada siyaasadda Soomaaliya bilaha soo socda.

Kulamadan ayaa lagu sheegay kuwa muhiim u ah mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, maadaama ay yihiin isku day cusub oo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles