Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer sare ah, kuwaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyadoo dowladda Turkiga ay si rasmi ah u waddo dhexdhexaadinta.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Turkiga ayaa bilaabay kulamo xiriir ah oo ay la leeyihiin labada dhinac, iyadoo diiradda lagu saarayo xal u helidda khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.

Wadahadallada ayaa ka dhacaya hotel ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana la sheegay Dhanka mucaaradka kulankan ay metelayaan saddex xubnood oo sare oo loo xilsaaray wada hadalka.

Dhanka kale, Turkiga ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya isku xirka iyo gudbinta fariimaha labada dhinac.

Taliye ku xigeenka Sirdoonka Turkiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda DFS iyo xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka, iyagoo u kala dab qaadaya labada dhinac.

Wadahadallada Turkiga ayaa loo arkaa kuwa ugu culus ee haatan socda, waxaana natiijadooda si weyn u saameyn doonta jihada siyaasadda Soomaaliya bilaha soo socda.

Kulamadan ayaa lagu sheegay kuwa muhiim u ah mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, maadaama ay yihiin isku day cusub oo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles