Ku-simaha Safiirka Maraykanka oo Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe

Ku-simaha Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo arrimaha mudnaanta u leh xasilloonida, amniga iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dadaallada lagu taageerayo la dagaallanka kooxaha amni darrada wada iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta u dhexeysa Jubbaland iyo saaxiibada caalamiga ah.

Socdaalka wafdiga Maraykanka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada Beesha Caalamka ee lagu doonayo in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in wakiillada Beesha Caalamka ay cadaadis ku saarayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka, si looga hortago xiisado horleh iyo qalalaase amni oo dalka ka dhaca.

Sidoo kale, dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ayaa socda si markale la isugu keeno madaxda Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, loona helo hannaan wadatashi iyo is-afgarad ku dhisan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles