Garsoore Cumar Cartan oo soo gaaray Muqdisho

Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii loo diiday fursadii uu kaga qayb gali lahaa koobka adduunka, iyada oo ay u ahayd markiisii ugu horaysay xilli dowladda Maraykanka ay kahor istaagtay inuu dalkeeda galo isaga oo haysta fiisihii uu kaga qayb gali lahaa ciyaaraha adduunka ee dalkaasi ka dhacaya.

Masuuliyiin ka tirsan DF iyo dad badan oo shacab ah ayaa garsoore Cartan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xalay Taageerayaashiisa ayaa kasoo sagootiyay garoonka diyaaradaha Istanbul.

Cartan ayaa rajaynayay inuu noqdo Soomaaligii ugu horeeyay ee dhexdhexaadiya ciyaar ka tirsan koobka adduunka.

Waxa uu u mahad celiyay FIFA, CAF iyo dhammaan Soomaalida, xilligii uu isu diyaarinayay ku laabashada dadalkiisa.

Galabta ayaa munaasabad lagu soo dhaweynayo waxaa looga qaban doonaa garoonka kubada Cagta ee Stadium Muqdisho.

Isaga oo kula hadlayay garoonka diyaaradaha Istanbul wakaalada wararka ee Reuters ayuu u sheegay inuu aad u niyad fiican yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles