DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraal ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu fuliyay iskaashi ay la sameeyeen saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

NISA ayaa sheegtay in sarkaalkan uu hore uga badbaaday saddex howlgal oo kala duwan oo lagu beegsaday, balse ugu dambeyn lagu dilay howlgalka ugu dambeeyay.

Hay’addu ma shaacin magaca sarkaalkan la dilay, hase yeeshee waxay sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu burburinayo hoggaanka Al-Shabaab laguna wiiqayo dhaqdhaqaaqyadooda ka socda koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo taageero ka helaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay howlgallada milatari iyo kuwa sirdoon ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo qayb ka ah qorshe lagu xoojinayo amniga laguna daciifinayo shabakadaha kooxda.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howlgalka uu dhabar-jab weyn ku yahay Al-Shabaab, iyagoo adkeeyay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee ka socda guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles