Sunday, July 26, 2026

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraal ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu fuliyay iskaashi ay la sameeyeen saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

NISA ayaa sheegtay in sarkaalkan uu hore uga badbaaday saddex howlgal oo kala duwan oo lagu beegsaday, balse ugu dambeyn lagu dilay howlgalka ugu dambeeyay.

Hay’addu ma shaacin magaca sarkaalkan la dilay, hase yeeshee waxay sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu burburinayo hoggaanka Al-Shabaab laguna wiiqayo dhaqdhaqaaqyadooda ka socda koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo taageero ka helaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay howlgallada milatari iyo kuwa sirdoon ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo qayb ka ah qorshe lagu xoojinayo amniga laguna daciifinayo shabakadaha kooxda.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howlgalka uu dhabar-jab weyn ku yahay Al-Shabaab, iyagoo adkeeyay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee ka socda guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo soo bandhigtey waxqabadkeeda muddo 4 sano ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles