Garsoore Cumar Cartan oo soo gaaray Muqdisho

Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii loo diiday fursadii uu kaga qayb gali lahaa koobka adduunka, iyada oo ay u ahayd markiisii ugu horaysay xilli dowladda Maraykanka ay kahor istaagtay inuu dalkeeda galo isaga oo haysta fiisihii uu kaga qayb gali lahaa ciyaaraha adduunka ee dalkaasi ka dhacaya.

Masuuliyiin ka tirsan DF iyo dad badan oo shacab ah ayaa garsoore Cartan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xalay Taageerayaashiisa ayaa kasoo sagootiyay garoonka diyaaradaha Istanbul.

Cartan ayaa rajaynayay inuu noqdo Soomaaligii ugu horeeyay ee dhexdhexaadiya ciyaar ka tirsan koobka adduunka.

Waxa uu u mahad celiyay FIFA, CAF iyo dhammaan Soomaalida, xilligii uu isu diyaarinayay ku laabashada dadalkiisa.

Galabta ayaa munaasabad lagu soo dhaweynayo waxaa looga qaban doonaa garoonka kubada Cagta ee Stadium Muqdisho.

Isaga oo kula hadlayay garoonka diyaaradaha Istanbul wakaalada wararka ee Reuters ayuu u sheegay inuu aad u niyad fiican yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles