Mareykanka oo sheegay inuu joojinayo weerarada lagu qaado Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerarrada ay “joojin doonaan dhowaan” kadib codsi ka yimid Iran.

Sida ay ku warrantay Fox News, Trump wuxuu wareysi ku sheegay inuu amar ku bixiyay in la hakiyo weerarro cusub oo ka dhan ah Iran kadib “wicis taleefoon oo toos ah oo ka yimid Iran” iyo codsi uu sameeyay mas’uul sare oo dalkaasi ah.

Dhanka kale, warbaahinta rasmiga ah ee ku dhow Ilaalada Kacaanka (IRGC) ee Iran ayaa si cad u diiday sheegashadaas, iyagoo ku tilmaamay “been” in Iran ay codsatay joojinta weerarrada.

Wariyaha Fox News ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu ku xusay wicitaanka telefoonka ah in weerarro lagu qaaday gudaha Iran ay ku lug lahaayeen gantaallada Tomahawk oo lagu bartilmaameedsaday raadaarada difaaca, xarumaha difaaca, iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Weerarradaas ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha Iran, dhowr kiilomitir meel u jira magaalada caasimada ah ee Tehran.

Markii la weydiiyay su’aal ku saabsan suuragalnimada in Iran ay diido heshiiska uu Mareykanku soo jeediyay, Trump wuxuu ku jawaabay: “haddii ay diidaan, mar kale waa la duqeeyn doonaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles